Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shabakada Hadhwanaag Oo Baahisay Aabe Jidhkiisu Dubku Ka Dhacaayo Oo Qurba Joogta Lacago Soo Gaadhsiiyeen. +SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 23, 2013
Boorama-(HWN)- Kadib markii Shabakada HadhwanaagNews ay baahisay xanuunka xoogan ee haya Barre Xasan oo ah Aabo si weyn

Boorama-(HWN)- Kadib markii Shabakada HadhwanaagNews ay baahisay xanuunka xoogan ee haya Barre Xasan oo ah Aabo si weyn ugu xanuunsanaya gudaha magaalada Boorama isla markaana Jidhkiisu Dubku Ka Dhacaayo taasoo ah xanuun ay inta badan Dhaqaatiirka ka howl-gasha gudaha Somaliland ay sheegeen inuu yahay xanuun aan lagu daaweyn kareyn gudaha Somaliland una baahan yahay Cusbitaal Caalami ah.

Qaar kamid ah Qurba Joogta Soomaalida ee Naxariista leh ayaa ka danqaday dhibaatada xoogan ee Bare Xasan heysata waxayna lacago kala duwan usoo


direen si Caafimaadkiisa loogu raadiyo isla markaana loo geeyo dalalka dariska la ah Somaliland sida Kenya ama Itoobiya, waloow Lacagahaasi ay wax badan ka qabanayaan Caafimaadkiisa balse marka la qiimeeyay lacagta loo baahan yahay si loogu geeyo dalalkaasi iyo lacagta iminka soo gaadhay ay wax badan u dhaxeeyaan, waxuuna Barre Xasan mar kale Walaalaha Soomaalida ah ee Naxariista leh ka codsanayaa inay usoo gargaaraan si uu degdeg u tago dalalkaasi oo loo daaweeyo.

Xanuunka haya bukaan Barre Xasan waxa uu sababay inuu ku waayo Aragtida & Maqalka labadaba, Bukaankaan xanuunsanaya waxaa lagu magacaabaa Barre Xasan waxuuna u baahan yahay gacantaada naxariista leh walaal si loogu helo Dhaqaatiir Caalami ah oo ALLE SW ka sokoow wax ka qabata xanuunka haya.

Walaal si naxariis leh waxaa lagaaga codsanayaa inaad gacan naxariis leh u fidisid Bukaankaan sida weyn u xanuunsanaya una baahan maanta gacantaada si caafimaadkiisa dib ugu soo laabto Insha Allah.

 
 
 
 
 
 

WAXII TABARUCAAD AH UGU HAGAAJI XAWAALADAHA SOOMAALIDA

Ku QOR MAGACA: Cabdifataax Axmed Maxamuud - LAGA HELO Bukaan Barre Xasan

Tel: 0025224502777

BOORAMA - Somaliland

 

AMA UGU DIR ZAAD

4502777


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.