hubaal in dadka magaalada ku nool uu kordhay isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo suuqyo badan oo lagu baaho dadkana u salha adeega.
Waxa aan ku dardaaraya dadka ku ganacsanaya sariibadan inay is dareensiiyaan lahaanshaha goobtan islamarkaana ilaaliyaan nadaafadeeda iyo dhismahaba, waxana aan u mahadnaqayaa Midawga Yurub oo bixiyay lacagta lagu dhisay iyo hayada FAO oo maalgalintaai na soo gaarsiisay ayuu yidhi Xogahayuhu.
Haweenay ku hadlaysay magaca dadka xaafadaasi ayaa waxa ay cabirtay dareenkeeda waxana ay tidhi ? Waan ka mahadnaqaynaa, waa baahi muuqatay oo la daboolay, waxa ay wax badan ka taraysaa ganacsigii iyo fayadhawrka guud, waana waajib na saaran inaan ilaashano?.
Wariye
Cabdifataax Axmed
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama