dhiirigalita iyo xiisaha tartankaasi.
Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Mud. Cabdiwahaab Ibraahim Yuusuf oo ka hadlay bilawgii tartanka ayaa u mahadnaqay cidwalba oo gacan ka gaysatay tartankan, waxana uu xusay inay tani qayb ka tahay tartamada ciyaareed ee la doonayo in dhalinta lagu dhiiri galiyo.
Tatankan ayaa waxa ku guulaystay orodyahan Iidle Aadan Arbe oo galay kaalinta koowaad, halka uu kaalinta labaad ka galay Cabdicasiis Cabdilaahi Geele.
Si kastaba ha ahaatee, Orodyahan Iidle Aadan Arbe ayaa guushani waxa ay noqonaysaa tii labaad ee u soo hoyata mudo dhawr bilood ah, waxana markan xusud mudan inuu ku orday waqti aad uga yar kii dhawr bilood ka hor isaga oo record-kan cusub ee uu dhigay uu yahay midka ugu dambeeyay ee orodyahan ku ordo gudaha Boorama.
Wariye
Cabdifataax Axmed
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama