Cagayare oo ah xilibaan sifo sharci daro ah loogu fadhiisiyay kursi ka mid kuraasta Golaha deegaanka caasimada Hargeysa, kursigan oo markii hore la shaaciyay inuu ku guulaystay nin lagu magacaabo Bohosha oo in mudo ah mudaharaado kala duwan ka sameeyay qaybo caasimada ka tirsan haseyeeshee aakhirkii loo qiimeeyay, lacag ahaana loo siiyay qiimaha kursiga oo lagu saleeyay cadad lacag ah oo uu ku qiimaystay kharashkii ololaha kaga baxay.
Haddaba tan iyo mudadaa waxaa kursigii xalaashaday nin lagu magacaabo Cagayare oo intii la
maslaxayay Bohosha dhuumasho ugu jiray guryo kala duwan kuwaasoo aanu inta badan ka soo bixin jirin,daaqadana wax laga siinjiray balse markii uu isku hubsaday inuu kursigii u xalaaloobay ifka usoo baxay,waxaa ninkan laga soo doortay kolay qaad oo ku yaala 15Oka oo uu ku qaadlayn jiray.
Cagayare taariikh ahaan maaha nin aqoon leh xataa waxaa la gaadhsiiyaa oo ay sheegaan macaamiishiisii qaadka ka iibsan jirtay inaanu waxna qorin waxna akhriyin waxay intaa ku dareen inuu dadka qaadka ka iibsan jiray ku calaamadsan jiray Tiro sida [4] iyadoo ay ku adkayd inuu magaca qofka qoro kana khajilayay inuu hebelaw ii qor yidhaahdo.
Cagayaraw, adoo hooto ah, oo hadhaana ah,oo ku riyooda Bohoshoo midi kula dultaagan ma waxay kuu sawirtay inaad siyaasada ku soo gali karto adoo wax ka sheega hal doorka umada. Cagayare ayaa tan iyo intii kursigu u xalaaloobay ku jahawareersan halkii uu wax ka bilaabi lahaa iyadoo ay la soo daristay aqoon yaraan ilaa xad ah oo aan u saamaxayn inuu darafka qabto hawlaha kala duwan ee ka socda Golaha deegaanka caasimada ee bulshada loogu adeegayo.
Cagayare oo kursiga uu ku fadhiyo aan codkiisa ku kasban ayaa aamin san in wareegtooyinka dastuuriga ah iyo xilalka wareegtada ah ee qaranku la mid yihiin kursiga uu ku fadhiyo oo ah in masuul,masuul kale lagu badelay lamid yahay Kursigii Bohosha oo la siiyay Cagayare.
Waxaan kugula talin lahaa inaad akhrido dastuurka qaranka,waad heli kartaa, wuxuu faahin faahin kaa siinayaa sifaha masuuliyiinta loo igmado hawlaha qaranku isku badelaan balse aad aaminsantahay inay xoog tahay oo . Miyaanad maqal xilku waa wareegto.
Akhristaw,waxaad qarsataaba wuu ku qarsadaa,ninkani wuxuu qarsan kari waayay aqoon darada ilaa xadka ah ee hoyga unoqotay taasoo dhaxal siisay inuu hayn kari waayo oo uu garaadkiisa hadlo,waxa layidhi ?Qof noolina wuu hadlaa, Eeyna wuu Ciyaa? Aadamaha kawnkan ku uumin waxaa kala saraysiiyay hadba sida ay wakhtigooda uga faa,iidaystaan iyagoo hiigsanaya goob ka saraysa waxaana hubaal ah in hubka lagu horumaraa yahay aqoonta oo ay haboontahay inaad kolba meesha aad u xayd xaydantahay aqoonteeda yeelato.
Cagayare maqaal uu warbaahinta ku qoray waxaa uu ku sheegay in masuuliyiin aad u mudan oo qarankan xilal usoo qabtay xoog loogala wareegay waxaan leeyahay ? Caqligaaga ayaad hadashay ee cadaada maad hadal. Ninkii idhalaha ee la waydiiyay,halkaa maxaad ku aragtaa ee ku jawaabay bakayle,bakaylaha oo wuxuu arko ugu danbeeyay. Hadii lagu waydiiyo maxaa wasiirkaa xilka looga qaaday waa xaqiiiqo inaad ku jawaabayso hebel ayaa si xaq darro ah ugala wareegay,waana sifihii aad ku timid halkan aad joogto.
Fiiro Gaar Ah: NINKII MAYDKU KA DHACAY HADUU SII GO?AY" ninkani qoraalka uu shalay warbaahinta ku qoray wuxuu isleeyahay cid ku maslax oo darajo kaga raadso laakiin wuxuu umada tusay inuu ka aradanyahay milgaha xilibaanimo iyo odhaahda cilmiyaysan. Intaanad rayigaaga ku cabirin wargeysyada fadlan ka fiirso oo ogaanshiyahaaga ku darso bulshada meesha aad kaga aadantahay oo maskaxdaada ka saara kolaygii qaadka ahaa inaad ka soo gudubtay oo aad tahay xilibaan ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka caasimada.
By: cilmi Cabdi Ibrahim ( feedho)
Tell:9101710
ganni94@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga