ee birta iga qaad halkan baan istaagiye".
Kadib markii uu Askarigii birtii naga qaadey Awoowo Suleex Madar maba joojin baabuurka oo hore ayuu isagga sii socdey dabadeed Aniga ayaa si ixtiraam waalidnimo ku dheehan tahay u weydiiyey "Awoowo Siyaasiyiinta Somaliland ma sharcigaad ka sarreysaan maxaad baabuurka u joojin waydey maadaama aad Askariga u sheegtay birta iga qaad halkaa horaan istaagayaaye" Markaasaa inta uu qosley igu yidhi "Awoowo horta waakan buugii baabuurka aan ku watey waxaannan kuu sheegayaa Anagu sharciga kama sarreyno mana jabin karno waayo shariga laftiisa marka Wakiiladu soo sammeeyaan anagaa ansixina laakiin Askarigu isagga ayaa khaldan waxa uu u jeeddayna waan garranayaa oo shaxaad ayuu rabbey markaa waxa ku habooneyd in uu si reer magaalnimo ku jirto ii weydiisto Aniguna waan siin lahaa laakiin waa wax fool xun in uu ku soo dabba gabado sharci aan loo dirsan maxaa yeellay isagga waxaa xil ka saaran yahay birta oo baabuurta uu ka qaado kaliya marka ay noqoto buuga baabuurka iyo sharciga wadooyinka waxaa ku shuqul leh ciidamada illaalada iyo nabadgalyada wadooyinka ee loo yaqaanno Taraafikada.
Wadda socodkayaga maalintaas waxa uu ahaa mid aan aad u xiisenayey sheekadiisa macaanka badan ee marba siddii gaaraa bildhaanka meel wannaagsan ka billig leh maadaama aannan dhawr sanno is arag oo aan maal mahaa dalka ku cusbaa hasa yeeshe intii aan socdaalkayaga ku sii jirney waxaan ku yara hakaney magaalada Gabiley muddadaas gaaban ee halkaas aan ku sugneyn ayaa waxaa daaqada baabuurka soo joogsadey Odey waayeel ah dabadeedna wuxuu Awoowo Suleex Madar ku yidhi "Adeer masaajid qalwo ah ayaan halkan ka dhisaa waanna qabyo markaa wixii awoodaadda ah ku darso" Kadib inta uu Awoowo lacag siiyey Odeygii ayuu u sii raaciyey hadal aan nuxurkiisa ku soo koobayo "Adigaaba gaajoonaye wax aad cuno lacagtan siiso masaajidka aad sheegeysana Illaahey dad uma waayine isagga ayaa kuwa dhisa oo dhammeystira u soo diro doonna mustaqbalka" Dabcan kalmadaas oo aad ii cajab galisey ayaa aheyd mid aan tiraabteeda aad ugu garaabey Awoowo Suleex Madar maxaa yeellay Odayga miskiinka ah ee lacagta ururinayey waxaa korkiisa ka muuqatey baahi iyo duruuf adag.
Si kastaba ha ahaatee waxaan qoraalkan ku soo afmeerayaa eray aan ka dhaxley oo aan afkeeda kala soo dhex baxey Ayeeyday labbaad Markabo Geelle Raage AUN oo ah Awoowa Suleex Madar Xoosh hooyadii iyadda oo sannadkii 1997kii ku geeriyootey da´ ahaan 100 sanno iyo saa´id taas oo marka ay galabtii amma habeenkii noo sheekeyneyso ka warami jirtey xadaaradihii hore ee Giriiga, Turkiga iyo Masaarida maadaama ay Ayeeyo Markabo Geelle Raage AUN aheyd reer Saylac isla markaanna ay dhalatey ka hor intii aan sannadkii 1884kii reer Yurub qabsan amma qeybsan Qaarada Afrika.
Ayeeyo Markabo Geelle Raage AUN waxey laheyd shakhsiyad aad u ballaadhan oo runtii ay wadda garanayaan dadkii hore ee reer Saylac iyo kuwii dambe ee reer Borama waayo degmada Borama magaceedu wuxuu ahaa mid caan baxey waayo waxa ay ku laheyd beer weyn oo balladhkeedu yahay kala roganka buurta dunbuluq illaa halka uu immika ka dhisan yahay dugsiga Aloog ee ku yaalla xaafada Xalane.
Runtii iyadda oo shakhsi ah ayaa haddana fariidnimada ay u dhalatey ee dumarka filkeeda dheerayd uu gaadhsiisay in ay u dhaqanto sidda dawlad calan leh oo kale taasna waxaa kaaga markhaati ah markii Ingiriisku wadanka haystey ee uu xadeeyey Seeraha Borama in uu u sammeeyey xero weyn oo lagu xereeyo xoolaha sifo sharci daro ku galla seerahaas kadibna marka uu yimmaado qofkii xoolaha lahaa waxa laga qaadi jirey lacag maddax furasho ah haddaba maadaama ay beertii ka hadhey Awoowo Madar Xoosh Faarax AUN ay ku taalley magaalada Borama dhex deeda waxa ay Ayeeyo Markabo sammeysay nidaamkii Ingiriiska oo kale taas oo neefkii xoola ah ee beerteeda soo galla ay ku xereyn jirtey meel xero ah oo ay u sammeysay marka qofkii lahaa yimmaadana lacag bay ka qaadi jirtey tallaabadaas oo intii Ingiriisku dalka ka bixin Ayeeyo Markabo AUN ku siiyey billad geesinimo oo loogu aqoonsadey hirgelinta in iyadda oo shakhsi ah ay qaadatey nidaam dawladeed sidaas darteed baa marka magaalada Borama iyo nawaaxigeeda laga waayo neef xoola ah la odhan jirey ha laga soo eego xerada beerta weyn ee Markabo Geelle amma xerada Seeraha dawlada ee magaalada Borama.
Wakhtiyadii ay Soomaalidu ku jireen xornimo doonka waxa ay aheyd qof halganka xoriyada kaga qeyb qaadata guubaabada suugaanta waayo Illaahey wuxuu aad ugu dhib yareeyey curinta buraan burka oo ay caan ku yihiin haweenka Soomaaliyeed, buraan buradii gobonimo doonka ahaa ee ay tirisay kuma jeedin gumeystihii Ingiriis oo kaliya waayo marka aad dhuuxdo erayo suugaaneedkii ay ka dhimatey ee maanta nool waxaad ka dhex hellaysaa suugaantii ay kula dirireysay gumeystihii madoobaa ee Axmaar.
Ingiriiskaas qoorigga suurweys qaata balladkiisa
Talyaaniga is qoodhashey ee xabaasha qorgoyey
Jarmalka maraakiib qufulan iyo qaxar u heesaaya.
Erayadani waxa ay ka mid yihiin kuwii aan yaraanteydii ka hoos xafidey Ayeeyo Markabo AUN runtiina waxey ahaayeen erayo suugaaneed aad u dheer oo curintoodu ku taariikheysan tahay markii uu curtey dagaalkii labbaad ee dunidda waxaannad erayadan fal ekayntooda ka garan kartaa amma aad tarjumaadoodda ka dhex helli kartaa waxyaabihii adduunka ka dhacayey sannadihii 1940kii illaa 1950kii, inkastoo erayadan dhammeystirkooda halkan aannan ku soo nashrin karin maadaama aan rabbo in aan ku soo qaato mawduuc kale oo kan ka duwan haddana qof kaste oo dheegta erayadan waxa uu garan karaa qaabka iyo hannaankii ay Ayeeyo Markabo Geelle AUN ulla socotey quwadihii hore ee ku hirdamayey amma loollamayey nolosha adduunka.
Waxaa kale oo ka buuxa suugaanteeda dhaxal galka ah ee maanta dunidda korkeeda ku waarey buraan buradii ay ku ammaani jirtey Masaaridii iyo Turkigii hore ee deganaa magaalada taariikhiga ah ee Saylac isla markaana halkaas u joogey gurmadka iyo gargaarka diinta Islaamka sidoo kale fekerka, mabda´a iyo aragtidda ay diidan tahay waxa ay u addeegsan jirtey eray bixinta gaar u aheyd oo tilmaamteedu tahay "Wabiga dooda lagu dhaafo".
Haddaba maalin maalmaha ka tirsan iyadda oo nooga sheekeynaysa dhalinyaranimadii Awoowo Suleex Madar Xoosh iyo waayihiisii magaalada Saylac ayaan afkeeda ka hoos qabatimey murtida u meel martey Awoowo Suleex Madar ee marka ay hablaha reer Saylac ay salaamaan dhalinyarada kale amma gabadh kaste oo nin qawadeysa ay ku halqabsan jirtey tiraabta tidhaahda "Suleex Madar Baan Ku Moodaayee Salaantaba Kaama Qaadeen" Tiraabtaas oo markii dambe dhinaca Borama u soo dhaadhacdey oo hablihii halkaas ku noolaa ay ku dhaqmi jireen kadib markii uu Awoowo Suleex Madar ka mid noqdey dadka reer Awdal ee ka soo guurey magaalada Saylac.
Fiira gaara:- Taariikhda Awoowo Suleex Madar Xoosh oo markii aan maanta sawirkiisa arkey si kor haadis ah aan u soo badhigey intan laguma soo wadda koobi karo laakiin waxaan ku rajo weynahay in aan wax badan oo uu u soo joogey amma taariikhdiisa ah aan ka qoro mustaqbalka Isha Allaah waxaannan Illaahey uga baryayaa in uu siiyo caafimaad qab, cimri dherer iyo camal saalixoo suuban aamiin aamiin aamiin.
Dhammaad.
Qalinkii iyo Qormooyinkii
Abdirisaq Mohamed Barkhad
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com