codbixinta amaba haysta kaadhka codbixintu uu tagay goobta uu ka diiwaan gashan yahay halkaas oo uu codkiisa ka dhiibtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Marwadiisa Khadra Xayd ayaa iyagu tobankii subaxnimo codkooda ka dhiibtay xarunta dawlada hoose ee caasimadda Jabuuti , halkaas oo uu madaxweynuhu markii uu codkiisa dhiibtay, ka dib sheegay in dareenkiisu aad u sareeyo dadka reer Jabuutina ka filayo in waajibkooda ay gutaan.
Doorashada baarlamaanka Jabuuti ayay ku tartamayaan, sadex xisbi oo kala ah, Xisbiga Isbahaysiga Aqlabiyada Madaxtooyada ee (UMP), Oo uu hogaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Xisbiga Muucaaridka ah (USN) oo uu ugu magac dheer yahay Ismaaciil Geedi Xareed iyo xisbi kale oo lagu magacaabo (CDU) oo uu Guddoomiye ka yahay Cumar Cilmi Khayre.
249-goob cod bixineed ayaa caasimadda Jabuuti oo kaliya laga codaynayaa halka gobolada kale ee dalkana inta ka soo hadhay 429-goobood ee kale laga codaynayay, sida ka muuqatay doorashada iyo codbixinta Jabuuti ayaan lahayn saxmad iyo cidhiidhi badan taas oo ay ugu wacan tahay dadka oo diiwaan gashan oo si fudud codkooda u dhiiban kara.
Natiijada Doorashada Baarlamaanka Djibouti
A- Tiradda Guud
Isbahaysiga UMP 53 Xildhibaan
Isbahaysiga USN 8 Xildhibaan
Xisbiga CDU 4 XIldhibaan
B- Magacyadda Xildhibaanada soo baxay
I- Isbahaysiga UMP
a- Gobolka caasimadda Djibouti
1 ILYAS MOUSSA DAWALEH
2 ABDOULKADER KAMIL MOHAMED
3 IDRISS ARNAHOUD ALI
4 DILEITA MOHAMED DILEITA
5 ALI MOHAMED DAOUD
6 ILMI MOUSSA HASSAN
7 MOHAMED ALI FOULIEH
8 OUMMA MOHAMED HAMID
9 HASSAN SAID GOUMANEH
10 ABDO SIKIEH DIRIE
11 ALI ABDI FARAH
12 MOHAMED BARKAT ABDILLAHI
13 CHARMARKE MOUSSA ARREH
14 IBRAHIM SOULTAN ABDILLAHI
15 ABDOURAHMAN HASSAN RAYALEH
16 DARAR ALI AMIRI
17 ALI SOUBANEH ATTEYEH
18 MOHAMED ABDOURAHMAN ABDILLAHI
19 MOHAMED YOUSSOUF GOUMANEH
20 YOUSSOUF MOUTOUNA ABAKARI
21 OMAR ADEN SAID
22 NOUH HASSAN GOULED
23 ABDILLAHI BILAL KIDAR
24 AHMED HASSAN MOHAMED
25 SAFIA ELMI DJIBRIL
26 HOUSSEIN ALI WARSAME
27 MAHDI MOUMIN HADI
28 WAHIB AHMED BENT AHMED
b- Gobolka Cali Sabiix
1 ELMI OBSIEH WAIS (Jowhar)
2 ABDI KHAIREH BOUH
3 MOUSSA YABEH WARSAMA
4 DEKA AHMED ELMI
5 OMAR ALI WAIS
c- Gobolka Carta
1 OMAR WABERI MALOW
2 DJIBRIL ABDILLAHI MIGANEH
d- Gobolka Dikhil
1 OUGOUREH KIFLEH AHMED
2 MAHAMOUD HASSAN FARAH
3 MOHAMED ABDOULKADER MOHAMED
4 ADEN DARAR MOUSSA
5 ABDOULKADER MOHAMED MOUSSA
6 ABDOULWAHAB BARKAT GOURAD
7 AICHA DABAR GUELLEH
8 MOUSSA MOHAMED SAID
9- ELAF ALOITA DOUROUY
e- Gobolka Obock
1 ALI HASSAN HOUMED
2 HASNA HOUMED BILIL
3 ALI CHEHEM BOURHAN
4 HOUMED MOHAMED DINI
f- Gobolka Tadjourah
1 HASSAN OMAR MOHAMED
2 MOHAMED ALI HOUMED
3 HASSAN OMAR MOHAMED KAMIL
4 ALI ADOYTA IWAD
5 ABDOULKADER ALI HOUMED
II- Isbahaysiga USN
a- Gobolka caasimadda Djibouti
1 ISMAEL GUEDI HARED
2 ADAN MOHAMED ABDOU
3 ADEN ROBLEH AWALEH
4 MOHAMED DAOUD CHEHEM
5 ABDILLAHI FARAH LODON
6 ABATE EBO ADOU
b- Gobolka Carta
ISMAIL AHMED ASSOWEH
c- Gobolka Cali Sabiix
DOUALEH EGUEH OFLE
III- Xisbiga CDU
a- Gobolka caasimadda Djibouti
OMAR ELMI KHAIREH
b- Gobolka Dikhil
1 MAHAMAD HAMAD MAHAMAD
2 HOUSSEIN AHMED FARAH
c- Gobolka Dikhil
ALI ADEN ALI
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Djibouti
faysal@hadhwanaag.org