xidhanyahay doorka ay dhalinyartu ku leedahay horomarka waddankaas.
Dhalinyarta Somaliland ayaa ah xudunta mustaqbaliga ah iyo shuclada ifeysa ee wadanku leeyahay, maadaama oo ay yihiin kuwii talada dalka barri la wareegi lahaa oo iyagu gacantooda ku maamuli lahaa dhamaan hay;aadka dalku ka koobanyahay.
Iyadoo ay sidaasi tahay oo aynu ogsoonahay kaalinta mixwariga ah ee dhalinyartu kaga jirto wadanka ayaa hadana waxa haysta imika duruufo aad u adag oo la odhan karo inay yihiin kuwii ugu adkaa ee soo mara abid dhalinyarta reer Somaliland tan iyo intii ay dib ula soo noqotey xorriyadeedii luntey 1960, maadaama oo si aad ah looga gaabiyay xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba oo aan laga shaqeyn dhisida mustaqbalkooda lagana warwarin aayahooda danbe oo aad moodo in qorshayaasheenu iska aragti dhaw yihiin oo aan aragti fog oo mustaqbali ah lahayn.
Duruufaha imika xaaliyan ku gadaaman qofka dhalinyarta ah ee somalilanderka ah, runtii maaha mid lagu soo koobi karo maqaal iyo hadal toona lkn bal waxan isku dayi doonaa in aan kasoo qaato qodobada ugu muhiimsan ee haatan saameynta tooska ah ku leh qofkii dhalinyarta ahaa ee curdinka ahaa ee aan wali hana qaadin si kaafi ahna ugu filneyn naftiisa.
1. Shaqo la?aan baahsan
Runtii qodobkan shaqo la?aantu waaa mid aad u muhiim ah oo xudun ah mashaakilka ilaa hada maareynta loo laa?yay ee haysta guud ahaan dhalinyarta Somaliland , iyadoo aynu wada ogsoonahay numberkii aadka u badnaaa ee ka qalinjabiyay jaamacadaha wadanka, iyadoo aynu wada ogsoonahay numberkii badnaa ee kasoo qalinjabiyay jabiyay jaamcadaha dibada ee kusoo guryo noqdey dalka ayaa shaqo la?aantu gaadhey boqolkiiba 80%, ama kabasii badan , kuwa aaan waxbarashada heerka jamacaded sita ahayn iskaba daaa , shaqo la?aantan baahsan oo sababtiisa koowaad ay tahay ictiraaf la?aanta ilaa hada aan la ictiraafin Somaliland , maadama oo companeisku iyo investments badan iman lahaayeen wadanka,, waxa kale oo dhamaan xukuumadihii dalka kasoo talinayay ay ku fashilmeen in ay u sameeyaan shaqo abuur kaafi ah ama ugu yaraan wax ku ool ah dhalinyarta Somaliland.
2.tahriibka
Mushkiladan oo runtii ah mid khatar wayn ku haysa marka hore nafta qofka dhalinayrta ah ee aan kaba go?in Somaliland, marka kalana ah halis qeyrul caadi ah oo guud ahaan kusoo waajahan umada reer Somaliland , taas oo ay sababtey shaqo la?aanta iyo iimaan daro ay dhalinyartu ku qabto guud ahaan dalkii hooyo.
3.balwadaha xun xun
Balwadu waxay guud ahaan u xuntahay qeybaha kala duwan ee bulshada ha ahaadaan dhalinyar iyo caruur iyo cirroolaba lkn waxay aad ugusii xuntahay oo dhalinyarada iyadoo curyaamisa korriinkooda jidheed iyo maskaxeed waxa kale oo ay curyaamisaa horomarka uu ku tallaabsan lahaa qofka dhalinyarta ahi. Waaana mushkilad weyn oo haysata guud ahaan dhalinyarta, waxana badanka sababay horta bii?ada iyo deegaanka aynu ku noolnahay ee uu daashaday balwadaha qaadka iyo sigaarka iyo wixi la halmaala, waxa kale oo sababey shaqo la?aanta baahsan iyo saacadaha firaaqada badan ee uu haysto qofki dhalinyarta ahaa. isagoo isku mashquulinaya waxyaabahas aan fa?idada u lahayn, iyo wacyi galin la?aan baahsan iyo iyadoon la iska xil saarin wax ka qabashada arintaas.
4. qabyaalad
Runtii waa aafo guud ahaan haysata mujtamaca lakin waayadan danbe saamaynteedu usoo gudubtey dhalinyarada Somaliland oo aan hore ugu caan ahayn falalka dhaqanada noocaas ah ee dabar go?a ku haboon. Qabyaaladu waxay u saameysey baa la odhan karaa marka hore waxay ka hor istaagaan fursado shaqo oo aan inta u qalanta helin lakin ay jiraan qaar badan oo aan u qalmin ay ku helaan hababkaas is qabiilaysiga iyadoo qaar kalana ku waayaan kaliya abtirsiintiisa ama isagoo aan haysan odey adag oo meelaya oo dawlada ugu jira.
5. siyaasadii waddanka oo ay ku milmeen
Waxa dalka dhawaan ka dhacdey doorashadii golaha deegaanka ee lagu dooranayay gole deegan oo cusub isla markaana lagu kala saareyay sedex urur siyaasadeed iyo sedex xisbi qaran , tafaraaruqaa badan ee guud ahaan ku kala imid shaarica siyaasiyiinta ee guud ahaan Somaliland ayaa waxa uu saameyn toos ah ku yeeshey dhalinyaradii Somaliland iyadoo uu ukala qeyb qeybiyay qabiil qabiil, waxaaney si toos ah ugu milmeen siyaasadii Somaliland , iyadoo taasi aaney haba yaraatee usoo jiideyn qofka dhalinyarta ah wax faa?ido ah kala raacida xisbiyo siyaasadeed iyo rag aan danba ka lahayn oo ku hirdamaya hogaaminta wadanka, run ahaantii ma fiicna in dhalnyartu noqoto qeyb ka mid ah mashaakilka siyaasadeed ee hadheeyay wadanka halka ay ka keeni lahaayeen afkaar saliim ah oo dalkan iyo dadka ba faa?ido u leh , runtii dhaliishaa weyn waxa toos u leh dhalinayrta oo uu si qaldan u adeegsado siyaasi dantiisa garad ah markaa dhalinayrtu ha iska ilaaliyaan.
Qodobadaas iyo guud ahaan qaar kale oo u dhigma ayaa haysta dhalinyarada.. waana in xukuuumadu iyo shacbi ahaanba laga hawl galo arintaas sidii dhalinayrta wadankan loo jiheyn lahaa .
Somaliland jiritaankeedu waa muqadas dhalinyartana hagar daamo kuma aha:
Dad badan oo dhalinyar ah ayaa ku dooda in go?aankii 1991 ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotey dalkii somaliya uu qaldanaa oo dhalinyarta aad u wax yeelleeyay oo aan siyaasiyiintii iyo waxgaradkii arintaa iyada ah barigaa gooyay ay la seegeen , lakin aragtiyahaasi waa mid waaqaca ka fog oo aan habo yaraatee aan waaqac ku saleysneyn , Somaliland way jirtey waanay jiri doontaa cid kastaa haku dhib qabtee waa go?aan shacbi oo aan laga noqoneyn.
qalinkii:yoonis odowa, khartoum sudan
email:mr_yoonis@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga