Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland looguma fadhiyin in bilad ay lacag ku bixiyeeen umada soo hor istaagaan ay dhahaan qiimee qofkaaga.
Mudane Madaxweyne Ahmed Maxamuud Siilaanyo waan ka xumaa in london aad muwaadinkaaga amaanto ayey aheyd kursigaa cayda leh in aad naafadiisa aad tilmaanto ma ahayn waxaa ku seegtay in aad Madaxweyna tahay horta marka ugu horeyso Mudane Ahmed dadka beenta kugu sacbinayo been ayey kuu sheegayaan sidii kacaanka ayaad isla weynaatay sida Madaxweyna Geelaha yiri wadaad xumayaal ayaa kuu hartay oo kaliya in aad tiraaho waxaa kaa soo socoto ifafaalayaal umada ay fahansaneyn ah dictatornimo ah. Madaxweyne mar hadaad carooneyso in aad kursiga aad soo raadsato maba aheyn
kursigaa cayda leh.
Midna shacabkaan leeyahay intaad qabyaalad ku jirtaa lagama yaabo in aad horumar gaadhaan shacabka Somaliland isbadalku maaha kursiga in lagu fariisiyo Madaxweyne is badalku waa in uu dareemaa dalka gun iyo baar Madaxweynaha maanta jira waa sida la sheegay dhaqaalo yahan dalka dhaqan dhaqaale kobac deg deg ayuu u baahan yahay. Madaxweynaha jamhuuriyada waxaad u sheegtaan maxaad noo heysaaa madaxweynow dhaha waxaad ku muujisaan mudaaharaad waayo madaxweyna kasta lama sugi karo shansano Madaxweynihii aan dooranay dadkii soo doortay dadkoodii haddii uu caayayo kursiga ma geeyo shacbi wanaagsanow madaxweynaha maanta hayo dalka ma geeyo dalkan waxuu u baahan yahay doorasho waqtigeeda ka soo hormarta haddii kale Somaliland gacanta Xukumada maanta jirta ayey ku burbureysaa ninka maanta garan waxa soo socda garan maayo.
waxaan leeyahay baarlamaanka Somaliland maanta hadaad garan weydaan shacbigiina tacadiga iyo sharaftii dowlad nimo waxaad ogaataan waxaad tihiin shaqsiyaad isku tagay baarlamaanka fariistay shacbigii idin soo doortay intiina badan haku xisaabtamina ileyn shacabka haddii uu doqomoobo mooyeee doorashada soo socoto ha u doonanina cod marlabaad aad heshaan.
Shacbiga Somaliland Madaxweyne Siilaanyo doorashadii golayaasha deekaanka ayuu ku shubtay waxuu aamin sanyahay doorasho walba in ay unoqoneyso sida golaha deegaanka dadka damiirkooda ayuu kasbo la dhacay isagaa tijaabsaday in damiirkoodu nool yahay iyo in kale citiraafka waxaa ka muhiimsan in suuqa iyo dhaqaale abuuris la sameeyo kaluunka ariga iyo beeraha uu wax tar weyn ka muujiyo.
haddii cimriga bani aadanka socdo waqtiga lagu dhumiyo sida Madaxweyne Siilaanyo oo kale xamar oo shalay aheyd ayaa ina dhaafeyso dadkiina way tarmayaan bilaa qorsho waqti adag ayaa ina soo haya waxaa ina soo haya challange xoog badan waqti ma dhumin karno shacabka Somaliland socod nabad galyo ah mudaaharaad haku ridaan madaxweynahan maanta dalka maamulo waayo waa fashilmay rajo soo socoto noo ma muuqato dalka dhalinta somaliland hakacdo hana bad baadiso.
Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)
CHAIRMAN OF UCID PARTY KENYA
somalilandfirst@live.com+254722819048
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga