Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dad gaara meel gaara,si gaara by Baxnaan xaaji aden


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 23, 2013
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegayso.

 

Dhaqane:Waar bal didilaaciinii ka waran?

 

Dhaaashane:Dildilaacu waa maxay?



style="TEXT-JUSTIFY: inter-ideograph; TEXT-ALIGN: justify; MARGIN: 0in 0in 0pt" class=Standard> 

Dhaqane:ma suaalii baad la soo noqotay?suaal baan ku waydiinaynaa ,suaal baad noogu jawaabaysaa .Waar Dildilaacii Kulmiye nooga waran kalkuu marayaa?ma kitaabkii baa guulaystay mise kornaylkii?

 

Dhaashane:Waar waxan aad ka sheekaynayso angu maanu fahmin.Kitaabkan iyo kornaylkan iyo waxaan aad ku hadlaysaa ma af Japaan baa adeer .

 

Dhaqane:Horta aduunka waxaa ugu indho adag nin wax uu ogyahay uu kaa badiyo dafiraya .Inaar indho adayga ma koorasyo talyaaniga ah baa ku soo qaadataan horta? Ileyn Somaliland idho adayg intaa leeg laguma aqoone.

 

Dhaashane:Dee horta waanu ognoo aduunka waxaa ugu jeceshiin dildilaaca Kulmiye ,Laakiin waxaan kuu sheegayaa anagu weligayo dildilaaci mayno ,idinkaa ciil u dildilaaci markaa.

 

Dhaqane:Waar afkaasi kii dhooraydee ,af nin weyn nagula hadaloo saani noogu waran .Anagaa waalan oo kulmiye sidii nin weyn ula hadlayna.yeelkeedee inoo wadoo labadii kornayl way sidataa baan maqlee maxaa ka jira ?imisaanu lahayn wadaadu waa xoog miidhane ha la faraka ciyaarina.Askrinimadan yar baa u been sheegtay sow maaha ?Ma uga inay wadaadani sabaxada ku soo bartaan Afqaanistaan.

 

Dhaashane:Waar angu waanu iska heshiinaynaa adeer.Kolay cidi na dhex geli mayso.

 

Dhaqane : Dee waa runoo kulmiye waxaa iska leh DAD GAARA waxaa loo maamulaa SI GAARA waxaa lagu maamulaa MEEL GAARA.

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

SWEDEN

 haaheey@hotmail.com

 

 

 

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.