Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shacabka ha loo tudho by Maxamed xasan xashi


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 23, 2013
Shacabka reer somaliland oo aynu ku naqaano wadaniyad jacayl iyo sida aanay xukuumadu shicibka laantood waxba uga qabateen cadaw

Shacabka reer somaliland oo aynu ku naqaano wadaniyad jacayl iyo sida aanay  xukuumadu shicibka laantood waxba uga qabateen cadaw dabadeed iyo mid gudeed toona Hada waxaa muuqata in la iska Horkeenayo xukuumada iyo shacabkeeda sida loo wado argagixso la dagaalanka ka socota Magaalada  hargaysa oo ah mid indho la?aan waxba loo miidan dayhayn, sida qabqabashada dad meherado iska haysta iyo dad wado iska marayaa waxay ka hor imanaysaa xeeraka iyo dustuurka dalka u yaala oo  dhigaya sidan

Qod 25 faq 2aad;Ma banana qofna in la qabto la baadho ama la

xayiro hadii aanu marka dembi farah kula jirin ama armar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood uleh

Qod 26faq 3aad; Eedaysanu waa dambi laawe hadaan maxkamad horteed kaga cadaanin dambi.

Qod 128 faq 2aad  ; Dastuurka ayaa ugu sareeya xeerarka dalka xeer kasta oo isag waafaqsanayn waa waxba kama jiraan. .

Dhamaan qodobadan waxaa ka horimanaaya  xeerka cusub ee sirdoonka ee la an sixiyay Xeerka sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012   wuxuuna  ka hor imanayaa xuquuqda`muwaadinka somaliland ee dastuurku siiyay  Isaguna wuxuu dhigayaa sidan so socota.

Qod 8 aad3. Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood uleeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay?addaha nabad-gelyada waxayna wareegi karaan qalabkasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.

Taasi waxay cadaynaysaa awoodaha xad dhaafka ah ee sirdoonka la siiyay iyo maxkamad la?aan dadka la iska xidhi karo xaquuqdoodina lagu xad gudbi karo

Maxamed xasan xashi

 

hargaysa                                                                                              

 xaashi2005@hotmail.com

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.