Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Eng. Maxamed Xaashi Oo Sheegay In KULMIYE Iyo Wadani Isku Milmeen, UCID-Na Ku Tilmaamay Xisbiga Mucaaradka Ah


(Hadhwanaagnews) Saturday, February 23, 2013
Hargeysa(HWN)-Siyaasiga caanka ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in xisbiga UCID uu yahay xisbiga qudha ee ay tilmaamo mucaaradeed ka muuqdaan, marka la barbar dhigo xisbiga Wadani oo uu kala mid dhigay xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ah.

Hargeysa(HWN)-Siyaasiga caanka ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in xisbiga UCID uu yahay xisbiga qudha ee ay tilmaamo mucaaradeed ka muuqdaan, marka la barbar dhigo xisbiga Wadani oo uu kala mid dhigay xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ah.

Eng. Maxamed Xaashi, telefishanka HCTv  wuuu isagoo ka jawaabaya sida uu u arko loolanka Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale, uu ydihi ? Hadadaynu dib u raacno taariikhda xisbiyada  imika xisbi mabda? ku socda ma jiro ee xisbiyada markaynu madaxda dooranayno reer reer ayaa loo abaabulaa, qabiilkuna waa ka burburiyay qaranka, xisbigii ugu

horeeyay waa uu baaba?ay oo ina Riyaale ayaa baabiyay, Kana ( Kulmiye)  baabi?ii ayuu ku socdaa Axmed Maxamed Maxamuud ayaana ka masuul ah, kolkaad eegto labada xisbi ee kale ee Wadani iyo UCID, UCID labadii nin ee madaxda ka ahaaba waa ay maqan yahiin inay wada maqnaadaan may ahayn ayuu caqligu I siinayaa, qolada Wadani gudoomiyahoodu wali waa gudoomiyaha golaha wakiilada sharci daro ayuuna ku fadhiyaa oo qodabka 48-aad waxa uu odhanyaa qof baarlamanka ku jiraa xil dawladeed oo kale ma qabanaayo intuu hayo mansabka, ugamana faa?idaysan karo dano gaar ah xilka uu hayo kolay maanta dano gaar ah ayuu uga faa?idaysanayaa oo ninkii dastuurka ilaalin lahaa ayaa jabinaaya, waxaanad moodaa inay ku milmeen Kulmiye oo ay isku mabda? yahiin oo aanay waxba ku kala duwanayn, sida imika muuqatana xisbi mucaarad ah maaha. Ucidaas ay madaxdeedii shirka tagtay ayaa mar mar ina Cali Waraabe madfac madfac soo ridaa kaas ayaa wax mucaarad ah jira ayaa la odhan karaa.?

Mar uu weriyuhu Maxamed Xaashi weydiiyay inuu weli ka tirsanyahay KULMIYE iyo inuu iskaga tagay, wuxuu ku jawaabay ?Xisbigii horta ma jiraa, waaniga kaaga soo waramay inuu UDUB dhintay, kana qarka u saaran yahay inuu dhinto, Wadanina xaalkiisu labac labac yahay, kii sadexaadna ay madaxdiisii meesha ka wada maqan tahay, waxaad arkaysaa in aan xisbiyaduba inoo qaalibnayn, barigii horena mabda ayaa xisbiga lagu gali jiray oo SNL,NUF-tii iyo xisbaa lagu shaqayn jiray oo reer reer ma jirin, intii aynu dawladanimada helnay intii ka danbaysay tolaayeey ayuun baa socotay, tolaayeeydiina meel kumaynaan gaadhin wali.?

 

Hadhwanaagnews.com

Contact@hadhwanaagnews.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.